Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Muqdisho ka daah-furtay adeegsiga Nidaamka Casriga ah ee Isku-xirka Loo-shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furtay adeegsiga nidaamka casriga ah ee isku-xirka loo-shaqeeyaha iyo shaqo-doonka.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qayb galay xubno ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhiirrigeliya shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, hay’adaha aan dawliga ahayn, iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay hirgelisay nidaamkan casriga ah si loo fududeeyo soo bandhigista iyo helitaanka shaqooyinka bannaan ee DFS, hay’adaha gaarka loo leeyahay, iyo kuwa caalamiga ah.
Waxay intaas ku dartay in Wasaaradda ka go’an tahay kordhinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.









