Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa ka qeyb galay Bandhiga Coffeega ee magaalada Muqdisho (Mogadishu Coffee Festival) oo ay ku soo bandhigayeen goobahooda ganacsi iyo hal abuurkooda Shaqo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in faa’iidooyin badan ay u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada shaqo doonka ah. Waa muhiim in la kordhiyo goobaha Shaqada iyo tayadooda.
Wasiir ku xigeenka ayaa yiri “Annaga ka wasaarad ahaan waxaa naga quseeyo dhanka shaqo abuurka marka aan ka fiirino shaqaalaysiinta, waxa aan filayaa in ay ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 20 dhallinyaro ah oo ka shaqaysanaya goobaha ganacsiga”.
“Wasaaradda Waxay u xilsaaran tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha gaarka ah (private workers), mana dhici karto in lagu tunto xuquuqda shaqaalaha iyo in shaqaale ajnabi ah laga keeno dibadda si ay u qabtaan shaqada ay qaban karaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah”. Sidaana waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim.
Bandhigan oo ah kii u horeeyay oo noociisa lagu qabto dalka, ayaa halkaasi lagu soo bandhigay (Coffee) Bunka kala duwan oo qaarkood dalka laga soo saaro, waxuuna Wasiir ku xigeenka boggaadiyey doorkooda horumarinta ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.




