Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Aamino Xuseen, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xirtay shirka Guddiga Farsamada ee Mashruuca SEIP.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda iyo Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), ayaa lagu taageerayaa 1,300 dhalinyaro Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo tababaro xirfadeed oo kor u qaadaya fursadahooda shaqo-helid iyo horumarinta noloshooda.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xirfado shaqo, si loo yareeyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka.