Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa magaaladda Muqdishu ku furay kulanka guddiga haggida mashruuca iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee tababarka xirfadaha tamarta la cusbooneysiin karo.
Mashruucan ayaa tababar iyo horumarin dhanka xirfadaha cagaaran ah iyo kuwa la cusbooneysiin karo loogu samayn doona 350 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay hey’adaha gaarka loo leeyahay taageeradooda hagar la’aaneed ee mashruucan, isagoo ku amaanay kaalinta wayn ay ka gaysteen aasaasidda xarumaha barashada farsamada gacanta, kuwaas oo soosaaray dhallinyaro badan oo xirfadleyaal ah shaqo abuurna u sameeyay.