Munaasabadaan ayaa ueedkeedu ahaa sida Afka Soomaaliga looga tayeyn lahaa Shaqaalaha Rayidka ee dawladda, waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyadoo ay fulineyso Akedeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, waxaana ka soo qaybgalay Mus’uuliyiin ka kala socday Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda, Wasaaradda Gaashaandhiga, Jaamacadda Ummadda, iyo marti kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in waxbaridda Shaqaalaha ay tahay muhiim iyo in la kordhiyo tayadooda.
Guddoomiyaha Akedeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa sheegay in tani ay tahay qayb ka mid ah soo nooleynta Afka Hooyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Caddifitaax Qaasim Maxamuud ayaa tilmaamay in Afsoomoligii halista ku jiray ay dhammaan doonto.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustaf Guudow ayaa sheegtay in laga dhabeyn doono ujeeddada laga leeyahay arrintan.
21kii Bishii oktoobar 1972 ayey aheyd markii ugu horeysey ee lagu dhawaaqo Bashada Afka soomaaliga isla markaasna la baro shaqaalaha dawladda oo ahaa kuwii ugu horeeyey ee barta.






