Ministry of labour and social affairs

Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa maanta ka qeybgaley daahfurka mashruuc lagu taakuleeynayo laguna kafaala-qaadayo carruurta agoonta ah

Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim, ayaa maanta ka qeybgaley daahfurka mashruuc lagu taakuleeynayo laguna kafaala-qaadayo carruurta agoonta ah, iyadoo ay kasoo qeybgaleen daahfurka mashruucan madaxda dowlada Fedeeraalka Soomaaliya iyo safiirka dowlada Qatar. U jeedka Mashruucaan ayaa ah in carruurta agoonta ah goobaha lagu xanaaneeyo ee guud ahaan dalka la gaarsiiyo shixnado gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loogu taakuleeyo agoonta, taasi oo qeyb ka ah barnaamijyada ilaalinta Bshada. Mashruucaan waxaa magaalgalinayo Dowladda Qatar, waxaana fulinaya Hay’adda Qatar Charity, iyadoo ay kormeeri doonto fulinta mashaaruucaan Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowlada Federaalka Soomaaliya. Ugu dameyn, wasiirka ayaa bogaadiyay iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo hey’ada Qatar charity, isagoo tilmaamay muhiimadda mashruucan ee taageeridda dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah ilaalinta bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

4 + 1 =

Scroll to Top