Ministry of labour and social affairs

Wasiir Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay (SOCOTU)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xiriirka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (SOCOTU), Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Caynaanshe Yuusuf Xuseen, iyo Wasiirka Ku-xigeenka, Aamino Xuseen Cali.
 
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo ururrada shaqaalaha, gaar ahaan arrimaha la xiriira xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo oo waara, iyo horumarinta nidaamka shaqo ee dalka.
 
Wasiirka cusub ayaa uga mahadceliyey madaxda SOCOTU dadaallada ay ku bixiyeen difaaca iyo horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in Wasaaraddu sii wadi doonto iskaashiga iyo wada-shaqeynta lagu dhisayo nidaam shaqo oo hufan iyo mustaqbal shaqo oo ifaya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

59 + = 67

Scroll to Top