Ministry of labour and social affairs

Wasiir Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş,

Wasiir Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş,

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socda labada wasaaradood iyo Safiirka Soomaliya ufadhiya Turkiga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada.

 

Kulanka waxa kaso baxay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, taas oo lagu dardargelinayo barnaamijyada lagu xoojinaayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada.

 

Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo walaaltinimada ay u muujiyaan Shacabka iyo dowlada Soomaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

60 − = 51

Scroll to Top