Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa maanta gaaray magaalada Algiers ee dalka Algeria, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta.
Shirka oo si rasmi ah u furmi doona berri oo Talaado ah, ayaa Wasiirka waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), iyo Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Shaqada ee dalka Algeria, Mudane Zourich Chettah.



