Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 33-aad ee Midowga Jarmalka oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabad loogu dabbaaldagayay xuska sanad guuradii 33-aad ee ka soo wareegtay Midowga Jarmalka Bari iyo Galbeed oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jarmalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madasha dabbaaldaga xuska ayaa lagu casuumay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Bixi Iimaan Cige iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo aqoonyahano faro badan oo muddooyin kala duwan wax kusoo bartay dalka Jarmalka.

Wasiir Bixi Iimaan Cige ayaa xafladda munaabaddan lagu weyneynayay midawgii labada qaybood ee Jarmalka ka dib dagaalkii labaad ee adduunka. ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ay wax badan ka baranayaan dalka Jarmalka sida horumarinta Shaqo Abuurka iyo farsamada Gacanta oo uu dalkeenu aadka ugu baahan yahay.
Sidoo kale, Wasiir Bixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Jarmalku aynu ka baranay khibradaha shaqo iyo hannaanka kheyraadka loo gaarsiin karo Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Bixi Iimaan Cige ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Jarmalka saddex iyo soddon-ka sannadood oo ay midaysan yihiin.
Taariikhdu markii ay aheyd 3-dii bishii Oktoobar 1990-kii ayey midoobeen Jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germeny waxa ay ku midoobeen Dowladda Federaalka eeJarmalka waxaana sannad waliba, bisha October laga xusaa gudaha dalka Germany iyo safaaradaha uu dunida ku leeyahay Jarmalka

Scroll to Top