Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane . Xil Prof Saalim Caliyow Ibrow ayaa shir-gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo ku qabsoomay xafiiska Wasiirka.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada Xil Marwo. Aamino Xuseen Cali iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada Xil. Caynaanshe Yuusuf Xuseen waxa kale oo ka soo qayb galay masuuliyiinta Agaasime Waaxeedyada oo uu hogaaminayay Mudane. Yuusuf Xassan Isaaq Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha Guud wuxuu dhammaan ka qaybgalayaasha ku soo dhaweeyay madasha, oo ahayd kulan is barasho, wuxuuna ka codsaday agaasimayaasha waaxyaha inay wasiirka u soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan hababka shaqadooda iyo hawlaha wasaaradda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Prof. Saalim Caliyow Ibrow, oo soo xiray kulanka, ayaa yiri: “Waxaan isugu nimid shirkii ugu horreeyay ee wasaaradda, waxaana dhagestay warbixin wanaagsan iyo waxqabadka wax ku oolka ah ee waaxyaha iyo qorshaha ay dowladdu u dejisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.”

Gabagabadii, wasiirku wuxuu ku ammaanay waaxyaha dadaalka ay ku bixiyeen sii wadida hawlahooda maalinlaha ah. Kulanku wuxuu ku dhammaaday jawi farxad leh.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

91 ÷ 13 =

Scroll to Top