Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qeyb galay Kalfadhigii Lixaad ee Wasiirrada Shaqada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar

 
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa maanta ka qeyb galay Kalfadhigii Lixaad ee Wasiirrada Shaqada ee dalalka ku bahoobay Organization of Islamic Cooperation (OIC), kaas oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.
 
Wasiirka ayaa halkaas ka jeediyay khudbad muhiim ah oo uu ku soo bandhigay dadaallada Soomaaliya ee horumarinta shaqada iyo iskaashiga caalamiga ah.
Shirkan oo socday laba maalmood ayaa lagu qabtay hal-ku-dhigga: “Tijaabooyin Maxalli ah, Guulo Caalami ah iyo Sheekooyinka Guusha ( success stories) ee Dunida Islaamka.”
Intii uu shirka socday,
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib u yeelatay inay noqoto mid ka mid ah siddeedda dal ee ugu horreeya ee si rasmi ah u ansixiya Xarunta Shaqada ee OIC. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo isku xirka siyaasadaha shaqada ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
 
Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa khudbaddiisa ku iftiimiyay, dadaallada dowladda ee lagu dhiirrigelinayo shaqo-abuurka iyo horumarinta fursadaha shaqo, barnaamijyada horumarinta bulshada ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul, iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada iyo haweenka si ay door firfircoon uga qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.
 
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca shaqada, si loo gaaro horumar waara oo mideeya dalalka Islaamka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 + = 7

Scroll to Top