Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo daahfuray dib u eegista mashruuca Sagal

Muqdisho,November, 21, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta daahfuray shir soconaya muddo afar maalin ah oo la xiriira dib u eegista mashruuca Sagal.

Shirka inta uu socdo waxaa ka qeybgalaya howlwadeennada mashruuc, wakiillada Dawlad-gobolleedyada u qaabisalsan mashruuc Sagaal iyo la howlgalayaasha mashruuca.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS , Xil. Biixi Iimaan ayaa sheegay ujeeddada shirka inay la xiriirto dib u eegista mashruuca, dooddo laga yeesho wixii qabsoomay iyo caqabadaha.
“ Mashruucan wuxuu ka mid yahay mashaariicda ay Dawladda taageerro dhaqaale ku gaarsiineyso Bulshada nugul iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.” ayuu ku daray Wasiir Biixi.
Muddada uu shirka socdo ayaa lagu soo bandhi doonaa warbixinno la xiriira hannaanka howlgalka iyo sida ay uga faa’iideysteen Bulshada Soomaaliyeed.
—Dhammaad—

 

Scroll to Top