Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay dhiggiisa Qatar .

Qaahira ,September, 19, 2022- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Dalka Qatar , Dr Ali bin Samikh Al.

Kulanka Inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyo badan leh , ee horumarinta Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Shaqaalaha.

“Qatar waa dal muhiim u ah dadaallada aan ku horumarinayno shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Shaqaalaha Rayidka.” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Wasiirka Shaqada ee Qatar , Dr Ali bin Samikh Al ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay go’antahay horumarinta iskaashiga Soomaaliya .

Kulankan oo qeyb ka ah shirar dooceedyada uu Wasiirka la qaadanayo wasiirrada Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo magaalada Qaahira kaga qeybgalaya shirka 48aad ee Shaqada , ayaa waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta , Ilyaas Sheekh Cumar.

—Dhammaad—

 

Scroll to Top