Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo soo xiray tababarka 2-aad ee Baarayaasha Shaqada

Muqdisho, November, 16, 2022 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta soo gabagabeeyay tababar muddo afar cisho ah xarunta Wasaaradda uga socday Baarayaasha Shaqada.

Munaasabadda xiritaanka, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Xil. Cismaan Libaax Ibraahim , agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo La-taliyaasha sare ee Wasaaradda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Midane Biixi Iimaan Cige ayaa xiritaanka tababarka sheegay in Baarayaasha Shaqada ee tababarka 2-aad qaadanaya inay door weyn ka qaadanayaan la socodka iyo badqabka goobta shaqada.
“ Waa mas’uuliyad iyo mid ah ka mid ah qorshayaasheenna horumarinta Baarayaasha Shaqada si aan u la soconno goobta Shaqada. “ayuu ku daray Wasiir Biixi.

Gabagabada, munaasabadda Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige , Wasiir ku-xigeenka , Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha, Marwo Sucaado Cabdullaahi Macallin ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay howlwadeennada loo tababbaray baarayaasha Shaqada.
—Dhammaad—

Scroll to Top