Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka qeybgalay mid ka mida ah dood cilmiyeedyadda Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika.

Wasiirka Wasaardda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Maxamed Adan ayaa maanta ka qaybgalay mid ka mid ah dood cilmiyeedyadda Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika, oo cinwaankeedu ahaa: “Karti iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.” Wasiir Yuusuf ayaa ka warbixiyay horumarka dowladda Federaalka gaartay, oo ay kamid tahay ansixinta Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dhismaha Xarunta Qaranka ee Shaqo Abuurka (National Employment Center), taas oo bixisa xirfado iyo tababaro kor u qaadaya aqoonta iyo kartida dhalinyarada. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in wasaaraddu dhawaan daahfurtay nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha, taasoo kor u qaadaysa helitaanka fursado shaqo. Ugu dambayn, Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa madaxda kasoo qayb gashay shirweynaha la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo xirfadeed oo dhalinyarada u horseedaya isku filnaansho iyo nolol waarta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

66 − 59 =

Scroll to Top