Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa wariirka shaqada iyo xirfadaha Itoobiya Marwo Muferihat Kamil Axmed.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane XildhibaanYusuf maxamed Adan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed, intii lagu guda jiray Madasha 3-aad ee Abuurista Shaqooyinka Afrika. Labada Wasiir ayaa xoogga saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhanka shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika. Sidoo kale, Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum, iyagoo ka wada hadlay dardargelinta barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed si loo kobciyo mustaqbalkooda. Ugu dambayntii, dhinacyadu waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo oo ay labada dhinac ku mideysan yihiin, si uu u haggo hirgelinta iyo daba-galka qorsheyaasha iskaashiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 + 3 =

Scroll to Top