Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Xil.Yusuf maxamed Adan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ms. Kirsten Young. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta bulshada (social protection) iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaqada. Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta (child labour) iyo difaaca xuquuqda carruurta aan gaarin da’da shaqada, si looga hortago ku xadgudubka xuquuqdooda. Labada dhinac ayaa isla gartey in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya dardargelinta wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo arrimahan muhiimka ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

18 ÷ 2 =

Scroll to Top