Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS Mudane Yuusuf maxamed aadan ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalay kulanka daahfurka mashruuca bile.

Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Muqdishu uga qeybgalay xafladda daahfurka mashruuca Bile oo lagu diyaarinayo Xiddiga Teknoolojiyada Mustaqbalka Soomaaliya. Barnaamijkan oo Hormuud Salaam Foundation taabbagelineyso waxaa hirgelintiisa iska kaashanayaan Tabaarak ICT iyo Somali Research and Education Network ( SomaliREN ), kaasoo lagu tababari doono 150 arday oo jaamacadaha dalka ka dhigata sanadka ugu dambeeya ee cilmiga Kumbuyuutarka iyo Teknoolojiyada. Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyay Ardayda Barnaamijkan ka faa’iideysanaysa inay bartaan Xirfadaha muhiimka ah ee looga baahanyahay Suuqa Shaqada, waxana uu sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ay door muhiim ah siinayso shaqo abuurka Dhalinyaradda xirfadlayaasha ah iyo guud ahaan Bahda Teknolojiyadda si dalkeenu ula jaan-qaado Dunida Casriga ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

24 + = 27

Scroll to Top