Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo Agaasimaha Guud ayaa si wadajir ah oga qeyb galay kulan muhiim ah ee loga hadlayay xaladaha bani’aadannimo ee ka taagan gobollada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa ka qaybgalay kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen Guddiga Farsamada ee Mashruuca SAGAL – Wajigiisa Labaad (SAGAL 2).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeyn faahfaahsan oo ku saabsan xaaladaha nololeed, baahiyaha mudnaanta leh, iyo duruufaha bani’aadannimo ee ka jira degmooyinka Xudur, Caddaado iyo Sheekh ee gobollada Bakool, Galgaduud iyo Togdheer.

 

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Xasan Isaaq (Wadani), iyo Hoggaamiyaha Kooxda Midowga Yurub (EU Team Leader), Myra, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda guddiyada farsamada heer federaal iyo heer maamul goboleed. Intii uu socday kulanka, waxaa la falanqeeyay horumarka Mashruuca SAGAL 2, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu xoojin karo hirgelintiisa si uu si hufan uga jawaabo baahiyaha bulshada.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorsheynta iyo go’aamada mashruuca lagu saleeyo xog sugan iyo duruufaha dhabta ah ee ka jira dalka, gaar ahaan xaaladaha bani’aadannimo, si loo xaqiijiyo in Mashruuca SAGAL uu si wax ku ool ah, waara, isla markaana caddaalad ku dhisan ugu adeego bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

61 − 51 =

Scroll to Top