Ministry of labour and social affairs

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka iyo xubno ka tirsan gudiga.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya (NCSC).

Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay wasiirku-xigeenka wasaarada Xil. Amina Xusein Cali, Wasiiru-Dowlaha Mudane Caynanshe Yusuf Xusein, iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Mudane Yusuf Xassan. dhanka Gudiga waxa hor kacaaye Gudomiyaha gudiga Mudane Xasan Abshirow Maxamed iyo Xubno kale oo gudiga ka tirsan.

Wasiirka ayaa warbixin guud ka dhageystey Guddiga shaqaalaha Rayidka Sida Arrimaha horutabinta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda, hawlihii u qabsoomay iyo daddaalada uu gudiga wado ee lagu xaqiijinaayo nidaamka shaqaaleeysiinta hufan ee qaranka.

Kulanka ayaa sido kale diiradda lagu saarey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta cududda Shaqaalaha dowlada, haddii ay tahay in sare loogu qaado aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha dowladda sido kale Maareynta waqtiga shaqada iyo soo xaadirista.

Gudiga waxuu soo bandhigay caqabadaha ku hor gudban hawlaha socdo iyo sidii wasaaradda isaga kaashan lahaayeen xalalka caqabadahaas jira.

Ugu dambayn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomalaliya, Mudane Prof. Salim Caliyow Ibrow ayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka uga mahadceliyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka Soomaaliyeed waxuuna iclaamiyay kulamo kale si loo Dardar geliyo hawlaha gudiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

4 ÷ = 4

Scroll to Top