Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada oo Daahfuray tababaka Shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta daah-furay tababbarka shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka ee ka kala tirsan dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda kaas oo uu fulinayo Machadka Tababbarka Shaqaalaha ee Maareynta iyo Maamulka Guud ( SMPA). Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarka ayaa sheegay, in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay tayeeynta iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha Rayidka dowladda, isagoo xusay in tababarkaan uu kusoo aaday waqti aad muhiim u ah oo ay socota nidaaminta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha iyadoo la waafajinaayo halbeegyada caalamiga ah, kuna saleynsan kartida iyo xirfadda qof shaqaalaha ah. Tababarkan oo ay fududeynayaan Machadka Tababarrada ee Maareynta iyo Maamulka Guud isla markaana socon doona laba (2) isbuuc, ayaa qeyb ka ah qorshayaasha hormumarineed ee shaqaalaha dowladda. Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysan doona 105 howlwadeeno ka kala socda dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda, iyadoo maanta lagu billaabay seddax koorso oo kala ah; Diyaarinta iyo Diiwaangelinta Warbixinnada Maaliyadeed, Maareynta Xoghaynta iyo Maareynta Xaqsiinta Shaqaalaha

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

9 + 1 =

Scroll to Top