Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibrow, ayaa maanta si rasmi ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ugu kala wareejiyay Agaasimihii hore, Mudane Yusuf Hassan Isack, iyo Agaasimaha cusub, Mudane Maxamed Saney Dalmar.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda, ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiirka ayaa ku ammaanay Mudane Yusuf Hassan Isack shaqadii uu qabtay muddadii uu xilka hayay, isaga oo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan. Sidoo kale, wuxuu ku bogaadiyay Agaasimaha cusub kalsoonida loo muujiyay, isaga oo ku dhiirrigeliyay in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda, isla markaana si hufan u hoggaamiyo shaqaalaha.
Mudane Maxamed Saney Dalmar ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxda Qaranka iyo kalsoonida loogu igmaday xilkan, isaga oo ballan qaaday in uu si daacadnimo, karti iyo masuuliyad leh u gudan doono waajibaadka loo xilsaaray.