Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Madasha 3aad ee Abuurista Shaqooyinka Afrika, oo si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.
Madashan oo soconaysa muddo saddex maalmood ah (7–9 Luulyo 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirro iyo mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee waddamada Afrika.
Madashan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa barnaamijyada shaqo-abuurka, kobcinta xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, iyada oo loo marayo Is-dhexgalka Gobolka, Ka-qaybgalka Dijitaalka Maaliyadeed, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sannadkan.






