Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri, waxayna ka wada hadleen wadashaqeynta dhinacyada shaqada, oo ay ku jiraan horumarinta goobaha shaqada, horumarinta barnaamijyada tababbarka iyo kor u qaadida fursadaha shaqo.
Kulanku wuxuu labada wasiir u ahaa fursad aad u weyn oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar iyo in la sii wado hadafyada labada dhinac ee lagu dhiirrigelinayo kobaca dhaqaale ee waara iyo horumarka bulshada.