Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee dalka Brazil, Mudane Wellington, intii lagu guda jiray Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo ka dhacday magaalada Algiers ee dalka Algeria.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta bulshada, iyo barnaamijyada la xiriira sinaanta iyo cadaaladda bulshada.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya horumarinta iskaashiga labada wasaaradood, si loo dardargeliyo wada-shaqeynta.




