Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan sabootin ah kula qaatay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed, oo waqtigeedii shaqo ee Soomaaliya uu soo dhammaaday.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Marwo Wafaa muddadii ay Soomaaliya joogtay iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee kala dhaxaysay, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Sadaad Caliyow, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda.