Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS. Xil,Yusuf Maxamed Adan ayaa si qaas ah xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya, Mudane Ketema Haile Minuta.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya, Mudane Ketema Haile Minuta. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada shaqo-abuurka, horumarinta barnaamijyada shaqaalaha, tababarrada iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada. Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan ayaa xusay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta nidaamyada shaqo iyo adeegyada bulshada, isagoo bogaadiyay doorka Itoobiya ay ka qaadan karto taageeridda dadaalladaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

97 − = 92

Scroll to Top