Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil, Yusuf Maxamed Adan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka talyaaniga u qaabilsan arrimaha soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Adan, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya. Wasiir Yuusuf iyo Safiir Pier Mario ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u kordhin lahaa taageeradiisa, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal ee ku aaddan TVET-ka, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo waara si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada. Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadley sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu uga wada shaqeyn lahaayeen Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo la’aanta, iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

22 + = 30

Scroll to Top