Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa maanta kulan isbarasho iyo xog wareeysi la yeeshay Gudiga shirkadaha Shaqaaleysinta dibada (SARA).
Kulankaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey la yeesheen wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ahaa is barasho ayaa waxaa looga hadlay hawlaha u qabsoomay iyo dardargalinta hawlaha hada socda waxay war bixin ka siiyeen heshiisyada ay la galeen shirkadaha ay ruqsada siiyeen iyo dib u soo nooleynta ay Wasaaraddu ku sameesay heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka Shaqaalaha qaadanaya.
Gaba gabadii shirka, waxaa lisla qaatay adkeynta wada shaqeyn hufan iyo sare uqaadista adeega loo hayo shacabka Soomaaliyeed.