Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Prof. Salim Aliyoe Ibrow, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Doha, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Shaqada ee Dowladda Qatar. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga shaqo ee ka dhexeeya labada dal.
Intii uu kulanku socday, labada wasiir waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada shaqada iyo shaqaalaha, fududeynta nidaamka shaqaale u dirista dalka Qatar, iyo sidii loo horumarin lahaa habraacyada la xiriira shaqaaleynta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa muujisay diyaar garow ay ku taageereyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya sare u qaadista tayada iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqa shaqada.
Wasiir Prof. Salim Alio Ibro ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro-dhal ah oo ku saleysan dan wadaag.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii dardargeliyo wada shaqeynta, lana horumariyo fursadaha shaqo ee sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana waara, si ay uga faa’iideystaan labada shacab ee walaalaha ah.
DHAMAAD