Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha Carabta ee ku saabsan Shaqada Tabarucaadda iyo Taageerada Dadka Naafada ah, (Arab Forum for Volunteering Work and Support of People with Disabilities) oo ka dhacay magaalada Tripoli, Libya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta istiraatiijiyad Carbeed oo lagu xoojinayo taageerada dadka naafada ah, gaar ahaan xilliyada ay jiraan cudurrada faafa iyo dhibaatooyinka degdegga ah.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, oo khudbad ka jeediyey inta uu socdey shirweynaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimada uu leeyahay shirka iyo in la tageero dadka naafada ah lana wacyigeliyo si ay u helaan fursadooyin la xiriira dhanka shaqada, wasiirka ayaa sido kale u mahadceliyay dowlada libya maadama ay martigelisey shirweynahan.