Ministry of labour and social affairs

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Bulshada ee dalka Liibiya, Marwo, Wafaa Al-Kilani inta lagu guda jirey shirweynaha Carabta ee ku saabsan Shaqada Tabarucaadda iyo Taageerada Dadka Naafada ah, kaasoo ka dhacay Magaalada Tripoli, Liibiya.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Bulshada ee dalka Liibiya, Marwo, Wafaa Al-Kilani inta lagu guda jirey shirweynaha Carabta ee ku saabsan Shaqada Tabarucaadda iyo Taageerada Dadka Naafada ah, kaasoo ka dhacay Magaalada Tripoli, Liibiya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin iskaashiga labada dal, dhinacyada shaqo abuurka, arrimaha la xiriira ilaalinta bulshada iyo in dowlada Liibiya ay gacan ka geysato sidii dhalinayarada Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka Liibiya loogu fududeyn lahaa in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay u helaan nolol iyo nabadgelyo. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa u mahadceliyay dowlada Liibiya dadaallada wax ka ool ah ay dowlada Soomaaliya kala shaqeynayso, isagoo xusey kaalinta muhiimka ah ee hay’ada socdaalka Adduunka ee IOM.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 × = 14

Scroll to Top