Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay aqoon-is-weydaarsi wadatashi heer qaran ah oo ku saabsan diyaarinta xeerarka shaqaaleysiinta hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray siyaasadda shaqada iyo arrimaha caalamiga ah ee la xiriira socdaalka shaqaalaha. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha iyo fursadaha jira, iyadoo la soo bandhigay natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadi doona hannaanka shaqaaleysiinta hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Waxa ka soo qaybgalay aqoon-is-weydaarsigan agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlad-goboleedyada, xubno ka socda Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), hay’adaha gaarka loo leeyahay, iyo marti sharaf kale.