Ministry of labour and social affairs

Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Shaqo Hufan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaaladda Muqdishu ku qabatay Munaasabad ballaaran oo lagu xusaayay Maalinta Shaqada Hufan ee Adduunka oo sanad walba maanta oo kale Caalamka laga xuso, ayadoo sanadkan halku dhiggu ahaa “ kor u qaadida shaqo hufan iyo dhisidda mustaqbal waara ee loo dhanyahay”.
Waa markii labaad oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u dabaaldegto xuska maalinta caalamiga ah ee Shaqo Hufan, waxana soo qaban qaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqo Abuurka Wasaaradda taas oo dadaal iyo juhdi badan ku bixisay sidii loo weyneyn lahaa maalintan caalamiga ah.
Xuska Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir-dowlaha Wasaaradda, Mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, wasiiro, xildhibaano, Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa ku kala nool daafaha caalamka xuska maalinta shaqo Hufan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

× 3 = 18

Scroll to Top