Ministry of labour and social affairs

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Kormeer Shaqo Ku Yimid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo Kormeer Shaqo Ku Yimid Wasaaradda Shaqda iyo Arrimaha Bulshada. Muqdisho, 21-ka Desembar 2024 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa si diirran waxaa xarunta Wasaaradda ugu soo dhaweeyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Caynaanshe Yuusuf iyo Agaasimaha Guud, Mudane Yuusuf Wadani. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dardargellinta shaqada hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bixiyaan wasaaraduhu. Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka si faahfaahsan ugu soo bandhigay waxqabadka Wasaaradda, horumarka ay ku tallaabsatay, iyo qorshayaasha muhiimka ah ee ku wajahan mustaqbalka dhow. Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay dadaallada ku aaddan shaqo abuurka, ilaalinta xuquuqda bulshada, iyo horumarinta adeegyada lagu taageerayo dadka nugul ee Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka ay Wasaaradda ku tallaabsatay, isagoo ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha inay sii wadaan dadaallada muhiimka ah ee ay ku garab istaagayaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in shaqada Wasaaradda ay door weyn ka ciyaareyso hirgelinta higsiga qaranka ee ku saleysan horumar waara.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

× 2 = 20

Scroll to Top