πππ¬π‘π’π’π¬ ππ¬π€πππ¬π‘π’ π¨π¨ ππ‘ππ±π¦ππ«ππ² πππ¬πππ«ππππ ππ‘ππͺπππ π’π²π¨ πππ²ππππ π
ππ ππ¨π¨π¦πππ₯π’π²π
Muqdisho – 21-ka Diseembar 2024 – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Hayβadda FAO ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka nugul, gaar ahaan kuwa ku tiirsan beeraha, xoolaha, iyo kalluumeysiga.
Heshiiskan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, iyo Madaxa FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.
Heshiiska ayaa diiradda saaraya hindisayaasha ay sida wadajirka iskaga kaashanayaan labada dhinac, waxaana kamid ah Barnaamijka Illaalinta Bulshada ee Kobcinta Waxsoosaarka (Productive Safety-Net Program), Xoojinta Nidaamyada Bixinta Adeegyada Illaalinta Bulshada si loo helo adeeg hufan oo loo dhanyahay. Sido kale, heshiisku wuxuu xoogga saaraya sarre u-qaadista tababaradda farsamada gacanta si bulshada kuwooda nugul u helaan xirfadaha muhiimka ah ee suuqa shaqada, kaas oo qayb ka ah qorshaha xalalka waara oo ay Wasaaraddu tiigsanayso.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Mudane Saalax Mukhtaar, ayaa sharaxay heerarka iskaashiga labada dhinac, halka Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan uu sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay sugnaanta cuntada iyo horumarinta bulshada. Madaxa FAO, Etienne Peterschmitt, ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo iskaashi waara oo wax ku ool ah.






