Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane H.E. Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka madasha xiriirinta howlaha farsamada gacanta, xirfadaha shaqada, iyo shaqo-abuurka. Madashan waxaa ku mideysan daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta xirfadaha shaqada iyo shaqo-abuurka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa dhammaan dadaallada lagu yareynayo faqriga iyo shaqo-la’aanta dalka, iyada oo loo marayo bixinta tababaro xirfadeed iyo abuurista fursado shaqo oo joogta ah. Intii uu kulanka socday, dhinacyada ka qeybgalay ayaa si qoto dheer uga dooday horumarka, caqabadaha, iyo fursadaha ku saabsan horumarinta hanaanka tababarada xirfadeed ee dalka.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay xubno ka kala socday hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada loo shaqeeyaha, xarumaha tababarada xirfadaha, iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera arrimaha shaqo-abuurka ee Soomaaliya.










