Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furay shirka wadatashiga wasaaradaha Shaqada dowlad-goboleedyada dalka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS Ee Mashaariicda Daryeelka Bulshada, kaasi oo socon doono muddo Labo maalmood.
Shirkan ayaa u jeedadiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Wasaaradaha shaqada, dejinta qorshe howleedka sanadka 2025, dardargelinta adeegyada bulshada, sida mashaariicda daryerlka arrimaha bulshada iyo taaba gelinta hannaanka casriyeynta dowladnimada iyadoo la waafijinaayo qorshaha isbedelka Qaranka.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ayaa uga mahadceliyey dhamaan wasaaradaha dowlad goboleedyada dalka wadashqeyntooda wanaagsan ay la leeyihiin dowlada Federaalka Soomaaliya, dhanka kale waxaa jirey doodo iyo presentation ku saabsanaa siyaasadaha la xiriira ilaalinta bulshada.
Shirkan waxaa kasoo qeyb-galey Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaasha Guddiyadda shaqaalaha Rayidka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Agaasimiyaasha Guud wasaaraddaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, xoghaya guud aqalka sare ee arrimaha bulshada, senator Xuseen maxamed Daahir iyo howl-wadeenada wasaaradaha shaqada iyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah.




