Muqdisho – Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulanka wadatashiga ee habka casriga ah ee isku-xirka shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha.
Kulankan oo socon doona muddo labo maalmood ayaa waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Shaqo Abuurka ee Wasaaradda Shaqada, iyada oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Waaxda iyo Maamulaha Xarunta Shaqo Abuurka Qaranka.
Wasiirka ayaa dhallinyarada ku dhiirrigeliyay in ay ka faa’iideystaan nidaamka cusub, kaas oo fududeynaya isku-xirka shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha, isla markaana gacan ka geysanaya shaqo-abuurka dalka.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo shaqo-abuurka dhallinyarada iyo kobcinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya.





