Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay safiirka dalka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo la adkaynayo ballaarinta iskaashi wadaag ah, sida in la curiyo barnaamijyo shaqo abuur ah oo ay ka faa’idaysan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo tababarro sare loogu qaadayo xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha dawladda, si loo kobcyo dan-wadaagga istaraatiijiyadeed ee labada dal. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Xasan Isaaq.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

76 − 69 =

Scroll to Top