Wasiir-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda, Mudane Yuusuf wadani ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, danjire Wang Yu, kulankaasi oo ka dhacay xarunta safaaradda China ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa in la abuuro barnaamijyo shaqo abuur ah, in tababaro la siiyo shaqaalaha dowlada si ay xirfadooda sare loogu qaado, aqoon kororsi iyo khibrad wadaag in loogu diro dalka Shiinaha si ay ula jaanqaadaan dunida iyo tiknoolojiyada casriga ah si ay dhalinayarada Soomaaliyeed ugu faa’ideysataan fursadahaas.