Ministry of labour and social affairs

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Mudane Yuusuf Xasan Isaaq ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan heer qaran ee Mashruuca (SEIP Project),

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Mudane Yussuf Wadani, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulanka Guddiga Heer Farsamo ee mashruuca kor loogu qaadayo tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee (SEIP Project), oo uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika. Mashruucan ayaa dib u dayactiri doona Xarunta Horumarinta Xirfadaha Shaqada ee Xero Jarmal, waxaana wajigiisa 1aad ka faa’ideysan doona 1300 dhallinyaro Soomaaliyeed ah. Mashruucaan wuxuu qayb weyn ka qaadan doonaa yaraynta shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

64 ÷ = 32

Scroll to Top