Ministry of labour and social affairs

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee XFS, Md Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa kormeer ku tagay Xurunta Ciidanka Cirka ee afisyoone oo ay ka socodan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare  ku Xigeenka Labaad ee XFS, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo si habsami leh uga socda xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyoone isagoo warbixin ka dhageystay howl wadeennada hormuudka ka ah. Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim ayaa warbixin ku saabsan habsami usocodka diyaarinta qorshaha isbaddalka Qaranka NTP siiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, intaa ka dibna waxaa uu soo kormeeray Sheybaarada ay shaqadu ka socoto isagoo ka xog wareysanayay howsha Qaran ee ay hayaan. Mudane Dhaay ayaa bogaadiyey hawlwadeennada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in qorshahaan uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya, waxaana ganacsatada uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan oo ay qeyb ka noqdaan diyaarinta qorshaha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

+ 47 = 53

Scroll to Top