Wasiiru Dawlaha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha wasaaradda ay fahmaan shuruucda iyo anshaxa shaqada waxaana uu ku boorriyay dhammaan agaasimayaasha iyo shaqaalaha wasaaradda mudnaanta ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo anshaxa shaqada.
Madaxa Qaybta Tababarrada Waaxda TVET-ka ee Wasaaradda, Muxiyadiin Salaad Yuusuf oo soo agaasimay tababarka maanta shaqaalaha uga furmay gudaha Wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa uu ku saabsan yahay tababarkan, kaasi oo diiradda lagu saaray Xeerka Anshaxa Shaqada.
Tababarka ayaa waxaa soo jeediyay Mudane Cumar Xuseen Caliyow oo ah lataliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ugu dambayn, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda ayaa sheegay in mas’uuliyiinta iyo tababarayaasha Wasaaraddu ay doonayaan inay arkaan isbeddel weyn oo dhanka shaqada ah, isagoo ammaan iyo bogaadin u jeediyay shaqaalaha ilaaliya wakhtiga shaqada.




