Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta hawlo shaqo ku tagey xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa maanta hawlo shaqo ku tagey xafiiska Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana Wasiirka Xafiiska Guddiga shaqaalaha rayidka kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka, Mudane Xasan Abshirow. Wasiirka ayaa warbixin guud ka dhageystey Gudoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka sida arrimaha horutabinta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda iyo hawlihii u qabsoomay sannadkii tegay ee 2024 iyo qorshaha Guddiga ee sanadkan cusub ee 2025. Kulanka ayaa sido kale diiradda lagu saarey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta cududa Shaqaalaha dowlada, haddii ay tahay in sare loogu qaado aqoonta iyo xirfada Shaqaalaha dowladda sidoo kale maareynta waqtiga shaqada iyo soo xaadirista. Ugu dambayn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomalaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka uga mahadceliyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay u hayaan Qaranka Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

27 ÷ = 9

Scroll to Top