Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta maareynta socdaalka, wax ka qabashada caqabadaha socdaalka shaqaalaha ee gudaha iyo debadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan, qulqulka dadka soo laabanaya iyo socdaalka aan joogtada ahayn. diyaarinta Siyaasada Shaqada doolka waxay la socotaa dadaallada caalamiga ah ee ballaaran ee socdaalka shaqada waxayna ujeedadeedu tahay in la kobciyo iskaashiga dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka si loo hubiyo in hanaanka shaqada uu yahay mid waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Madashan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda, la-taliyaal sare, waxaa kaloo kasoo qaybgaley wakiilo ka socday wasaaradaha kala ah Arrimaha Gudaha, Dibadda, Qorsheynta, Haweenka, Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Urrurada Shaqaalaha iyo Urrurada Loo Shaqeeya-yaasha iyo madax ka socotay hay’adda ILO iyo IOM.




