๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay, safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Kubai Iringo, kaas oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dal ee dhinaca shaqada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tababarida iyo sare u qaadista xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo barnaamijyo iskaashi iyo farsamo waddaag ah oo looga gol leeyahay in lagu buuxiyo baahiyaha ka jira suuqa shaqada ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa gogol-xaar u noqonaya heshiisyo waxtar leh oo lagu horumarinayo fursadaha shaqo iyo xirfadaha shaqaalaha labada dal, iyadoo la hirgelinayo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yaraynayo shaqo laโaanta islamarkaana lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha.