Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay xafladda qalin-jabinta dufcadda 7aad ee Jaamacadda Himilo.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda xafladda ayaa ugu horeyntii ugu hambalyeeyay ardayda qalin-beddelatay iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee soo gacan qabtay.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay dhalinyarada iyo ardayda Soomaaliyeed ugu samayn lahayd barnaamijyo shaqo abuur joogta ah, iyadoo hadda ay socdaan dadaallo lagu yaraynayo shaqo la’aanta iyo faqriga.