Ministry of labour and social affairs

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta booqdey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) isagoo u kuur galey shaqooyinka muhiimka ah ee halkaas ka socda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta booqdey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) isagoo u kuur galey shaqooyinka muhiimka ah ee halkaas ka socda. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii bishii October si rasmi ah u daah furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku hawlan yihiin mas’uuliyiin iyo hawlwadeenno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda. Wasiir Yuusuf ayaa kormeeray Shaybaarka Shaqo Abuurka iyo arrimaha bulshada oo shaqo baaxadleh ay ka socoto, waxaana warbixin ka dhageystay khubarrada iyo mas’uuliyiinta howshaas gacanta ku haya isagoo kula dardaaramay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso inay soo saaraan qorshe anfaca mustaqbalka.  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

÷ 1 = 9

Scroll to Top